Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) iyo Taliyaha ciidamada Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow) oo dhowaan fal gacan ka hadal ah ku dhex maray magaalada Boosaaso, kaasoo keenay inuu ku dhaawacmo wasiirkii Amniga Puntland.
Wareegto uu soo saaray C/weli Gaas ayaa lagu sheegay in si kumeel gaar ah loogu magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen. Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg oo hore u ahaa taliye xigeenka Booliska Puntland.
Xil laga eryay taliye C/risaaq Afgaduud oo muddo dheer Puntland xilal ciidan kasoo hayay ayaa loo arkaa kii uu adkaa ee uu qaato C/weli Gaas. Dadka qaar ayaa qaba in khaladka dhacay uu lahaa taliyaha Birmadka oo la maagay taliyaha Booliska.
C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu shir gaara la yeeshay beesha uu ka soo jeedo Jeneraal Afgaduud, isagoo u balanqaaday in jagada laga qaadayo jeneraalka loo dhiibi doono qof kale oo beesha ka soo jeeda, laakiin ay qasab tahay in xilka laga qaado, taasoo beeshu aqbashay.
AKHRI WAREEGTADA
GOOBJOOGE.COM