Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe kadib muddo 5 maalmood ah oo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu guul siyaasadeed ka gaaray socdaalkiisii Muqdisho maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaareen Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.
Gaas wuxuu sheegay in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana oo ay Garowe isugu tegi doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda Maamulada dalka.
Wuxuu kaloo sheegay in Puntland ay sidoo kale marti gelin doonto shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya oo hore dhowr jeer wax ka beddel aan loo dhammayn lagu sameeyey.
Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa si weyn ugu riyaaqay Xeerkii Madaxweynaha Soomaaliya oo si buuxda loogu hirgeliyay heshiiskii doorashada oo muran weyn ka dhashay.
Wadani.com