Madaxweynaha Puntland, ahna Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa war cad kasoo saaray casuumadii uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Isagoo ka hadlayay magaalada Garowe oo uu maanta dib ugu laabtay kadib caleemo saarkii madaxweynaha Hirshabeelle oo magaalada Jowhar u yimid ayuu sheegay in isagoo ku hadlaya afka golaha in ay aqbaleen gogosha wadatashi ee uu fidiyey Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

” Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu isugu nimaadno xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inaan aqbalay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah”ayuu yiri Gaas.
Wadani