Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaalad adag ka soo wajahday madaxda sare ee gobollada Putnalnd isagoo gudoomiye cusub u magacaabay Gobalka Karkaar oo ah gobol Puntland ay dib ka abuurtay oo aan ku jirin goboladii dalka ee hore u jiray.
Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa madaxweyne Gaas oo uu shaaciyay afhayeenkiisa Cabdilaahi Quran jecel ayaa lagu sheegay in Gudoomiye cusub loo magacabaay Gobolka Karkaar kaasoo lagu magacaabo Cabdulqaadir Siciid Caarshe ‘’Dhaqaaje’’ , isagoo bedelaya Gudoomiyihii hore Mudane Cabdiquraan Maxamed Aadan.
Tallabadan uu C/weli Gaas ku dhaqaaqay ayaa noqoneysa gudoomiyihii 6-aad ee uu magacaabo, iyado uu hore u bedelay guddoomiyeyaashii Gobalada Nugaal oo saddex guddoomiye maraya, Gudoomiyaha Gobalka Bari iyo Guddoomiyaha Mudug ee dhowaan is casilay oo haddana sugaya in dib loo magacaabo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]