Madaxweynaha Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta ka degay magaalada Gaalkacyo ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ayuu C/weli Gaas sheegay inay Puntland ka kooban tahay 5 Gobol & bar oo ka mida gobaladii 18-ka ahaa, isagoo cadeeyay inaysan waxba ka jirin hadalka Madaxweynaha Soomaaliya oo ah buu yiri mid xaqiiqada dalka looga been sheegay.
Mar kale ayuu sheegay Gaas in Puntland ay hadda tahay 9 gobal oo buuxa, ayna ku tallaabsadeen amni iyo kala dambeyn, ciddii taasi ka xunna ay caddow ku tahay Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa barnaamij uu ka qeybgalay oo ka baxay Telefishanka Universal ku sheegay in Puntland ay tahay 2 gobol iyo Bar oo ay sheegato 9 gobol.
Wadani.com