Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»C/weli Gaas oo ku laabtay Garowe kadib socdaal qaatay muddo Bil ah (DAAWO SAWIRRO)

    C/weli Gaas oo ku laabtay Garowe kadib socdaal qaatay muddo Bil ah (DAAWO SAWIRRO)

    March 21, 20163 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xunta Puntland kadib markii uu muddo bil ah dibadda ku maqnaa.

    C/weli Gaas ayaa sheegay inuu soo gaabiyay socdaalkiisii Waqooyiga Mareykanka kadib markii xaalad dagaal ay gashay Puntland, markii kooxo Alshabaab ah ay duulaan ku qaadeen degaano ka mida Puntland, laakiin waxay ku qaadatay 5 maalmood oo kale inuu ku sugnaado dalka Itoobiya.

    Akhri: C/weli Gaas oo weli ka maqan Puntland oo xaalad dagaal ku jirto [Halkee ku sugan yahay?]

    HOOS KA AKHRI QORAAL AY MADAXTOOYADA PUNTLAND SOO SAARTAY

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta 21-March-2016 dalka dib ugu soo laabtay siweyna loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

    Soodhoweyenta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne kuxigeena Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, kuxigeenkiisa labaad, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, urarada haweenka, saraakiisha ciidamada iyo bulshada qaaybaheeda kala duwan.

    Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana uu kawar bixiyey safarkiisii shaqo ee uu ugu maqnaa dalka dibadda iyo duullaankii ay kooxaha shar wadayaasha alshabaab kusoo qaadeen goobo  kamid ah deegaan xeebeedyada cariga Puntland.

    Ugu horrayn, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa soo jeediyey kelmedo soodhoweyn ah waxaana uu Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladdii ugu dambeysey ee dalka iyo sidii ciidamada aan gabbashada aqoon ee Puntland ay cagta umariyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa kusoo duuleey Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland meelkastoo ay joogaan uga mahadceliyey  midnimadii iyo isku duubnidii ay u muujiyey cadowgii kusoo duuley dalkooda iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagnaayeen ciidamadooda geesi-yaasha ah ee difaacayey Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

    “waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan, midnimadii ay muujiyeen, wadajirkii ay muujiyeen, si’ay meel ugaga soo wadajeestaan cadowgaa kusoo duuley dhulkoodii iyo diintoodii.

    Waxaan aad ugu mahadnaqayaa iyaguna ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee u istaagey in ay difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda cadowgoodana cashar lama illaawaan ah siiyeen, ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu jannadii kawaraabiyo intii shihiidey iyagoo dalkooda difaacaya, inta dhaawaca ahna in ilaahay u booga dhayo.

    Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa haweenka reer Puntland ee Sabaayadda dubayey, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhallinyarada reer Puntland ee dhiiggooda shubayey, waxaan aad u bogaadinayaa odayaasha reer Puntland ee marwalba dhiirri gelinta iyo hanuuninta lagarab taagna ciidankooda” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

    Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay Mid keliya iskagana filan tahay sharwadayaasha shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay wax u dhinto xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland isla markaana aanay u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka hawl gala Puntland.

    Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu u sheegay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaaybteeda wax kasta oo lagu bixinayo magaca Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgeliyada Soomaaliya.

    “Waxan rabaa Beesha caalamka inaan u sheego inay Puntland xaq uleedahay inay hesho qaybteeda wixii Soomaaliya loogu talo galay oo ahaa dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo magaca Soomaaliya, taas oo laagu tala galay nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

    Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahaceliyey guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu kulamada kula soo qaatay Qaaradda Ameerika sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay inay kaqayb qaataan difaaca Puntland.

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

    DAAWO SAWIRRO

    DSC_2588DSC_2593DSC_2598DSC_2599
    DSC_2611

    DSC_2629
    DSC_2667
    DSC_2671DSC_2669DSC_2672DSC_2678DSC_2681
    DSC_2685
    DSC_2697DSC_2707
    DSC_2753
    DSC_2765

     

    C/weli Gaas Garowe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCumar Faaruuq oo heshiis qarsoodi ah la gaaray Pakistan & Pakistan oo si farsameysan isu casilay
    Next Article DAAWO: Meydad iyo Maxaabiis Alshabaab ah oo lagu soo bandhigay Garowe [DIGNIIN]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo