Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar kale tegay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kadib booqasho uu ku gaaray dalka Sacuudiga.
C/weli Gaas ayay noqoneysaa socdaalkiisii Afraad ee muddo ka yar 50 maalmood uu ku tago dalka Itoobiya, wuxuuna sidan ku noqonayaa hogaamiyaha ugu horeeya ee isaga daba noqda dalka Itoobiya.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay C/weli Gaas magaalada Addis Ababa shirar iyo kulamo kala duwan kula qaadan doono madaxda dowladda Ethiopia.
Ka hor socdaalka uu dib ugu noqday magaalada Adis ababa yaa laga sugayay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, wuxuuna intii aanu tegin Sacuudiga muddo 10 maalmood ah ku sugnaa dalka Itoobiya oo hadda uu dib ugu laabtay.
Xilligan waxaa dalka Itoobiya isna ku sugan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo kadib Adis u gudbay magaalada Jigjiga.
Wadani.com