Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa beeniyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig ciidan ay ka sameyseyso Magaalada Booasaaso.
Isagoo wareysi siiyay Telefishanka Som cable ayuu madaxweyne Gaas sheegay in wararka ka hadlaya saldhigga Imaaraadka ee Boosaaso ay yihiin kuwo Been Abuur ah oo sal iyo raad toona lahayn, in dowlada Imaaraadka Carabta uu ka dhisanayo Dekada Boosaso Saldhig Milateri.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa qiray in Imaaraadka Carabta ay dhinaca milateriga ka taageerto Puntland sida tababarrada iyo taageerada ciidanka Badda Puntland.
DHAGEYSO
Wadani.com