Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cumar Camey ayaa shaaciyay halkii ay martay lacagtii kasoo gaartay Guddiga Federaalka ee gurmadka abaaraha.
Madaxweyne ku xigeenka oo la baatay Muqdisho ayaa sheegay in lacagta 150,000$ ee dowlada federalku usoo dhiibtay abaaraha Puntland ay ku iibiyeen 6 Gaadiid oo dadka abaareysan biyaha loogu dhaamiyo.
Wuxuu sheegay in wax badan la weydiiyay halka lacagtaasi martay, balse ay dadka u soo bandhigi doonaan gaadiidka oo dhowaan shaqo bilaabaya. Arrintan ayuu sheegay inay isla garteen madaxda sare iyo Guddiga abaaraha Puntland.
Wuxuu kaloo Eng. Camey ka hadlay kulankii Muqdsho kulasoo qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
DHAGEYSO