Ururka Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeysay Qaraxii ka dhacay Isgoyska KM 4 oo lala beegsaday Gaari ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Qaraxa ayaa qabsaday Gaari nooca James ee xamuulka ah oo ka mid ahaa Kolonyada AMISOM, waxaana uu dhaliyay Holac qabsaday Gaariga oo dhaawacyo gaarsiiyay saddex haween oo goobta ku sugnaa, waxaana gubay qeyb ka mida Gaariga.
Qoraal kasoo baxay wakaalada wararka u faafisa Daacish ee ACMAAQ ayaa lagu sheegay inay Daacish ka dambeysay weerarkaasi oo Muqdisho ka dhacay 3 April 2023, loona adeegsaday Miinada dhejiska ah.
Qaraxa oo weli aan war cad laga soo saarin ayey ciidamada ATMIS sheegeen in Miino loo adeegsaday, halka Booliska Soomaaliya uu sheegay in la baarayo waxa dhaliyay qaraxa oo aanay caddeyn.