Ururka Khilaafada Islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxii lala beegsaday maanta Kolonyo uu la socday wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland.
Qoraal ka soo baxay wakaalada Wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa lagu sheegay in ciidamada khilaafada Islaamiga ee Soomaaliya ay beegsadeen Kolonyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland meel u dhow buuraha Bariga magaalada Boosaaso, laguna qarxiyey laba miino, iyadoo lagu burburiyey Hal Gaari mid kalena waxyeelo lagu gaarsiiyey, ayna ku dileen laba askari iyo dhaawaca 7 kale.
Warka Daacish soo saartay ayaa saacado yar ka danbeeyay war kale oo kasoo baxay Alshabaab oo iyaduna sheegtay qaraxa, waxaana hada qaraxa maanta wada sheeganaya Daacish iyo Alshabaab. (Akhriso Warka Alshabab)
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa isugu sheegay inuu ku tuhunsan yahay qaraxa inay ka danbeeyeen Kooxda Daacish oo uu sheegay inay degaankaasi ka howlgasho.

