Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii Axaddii lagu qaaday kaniisado iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka oo ay ku dhinteen dad kabadan 321 oo qof.
Daacish waxay baahisay sawirrada dadki is miidaamiyey ee qaaday 8-da weerar ee dalkaasi ka dhacay, waxaana ka mida laba wallaalo ahaa. Waxaa kaloo yaab lahaa in markii booliska ay baaritaan u tageen guriga mid ka mida wallaalaha is-miidaamiyey ay xaaskiisa Bam isku qarxisay, halkaasina ay isku dishay, ayna la dhinteen laba caruur ah.
Goor hore oo maanta ah Ra’iisul-wasaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa magaalada Colombo ka sheegay inuu rumaysan yahay in kooxda Daacish ay ku lug ku lahayd weerararaadi, wuxuuna ka digay inay dhici karto weerarro kale oo dalkaasi ka dhacay.
Saraakiisha Sirdoonka Srilanka ayaa loo sheegay saacado ka hor inta aanu weerarradan dhicin, iyadoo looga digay in kooxo Islaamiyiin ah ay weerarro damacsan yihiin inay fuliyaan. Saraakiisha sirdoonka Hindia ayaa la xiriiray dhigooda Srilanka laba saac ka hor inta aan weerarka koowaad dhicin.
Wasiirka difaaca Srilanka Ruwan Wijewardene ayaa isna maanta sheegay in weerarradII Srilanka ay ahaayeen kuwa looga aargudanayay weeraradii labadii masjid ee bishii hore ka dhacay dalka New Zealand.








