Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Daahfur loo sameeyay Hormuud Salaam Bank Foundation

    Daahfur loo sameeyay Hormuud Salaam Bank Foundation

    June 16, 2020Updated:June 16, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa markii ugu horeysay magaca laga bedelay Hay’adda Hormuud Foundation, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2014, iyadoona lala mataaneeyay Salaam Bank, loogu magac-daray Hormuud Salaam Bank Foundation.

    Tallaabada lagu mideeyay labadaan xafiis ayaa waxay la xiriirtaa, sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, kuwooda gacan qabashada iyo daryeelkaba u baahan.

    Munaasabadda daahfurka Hormuud Salaam Bank Foundation oo maanta lagu qabtay Xaruntii Hormuud Foundation ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan, Gudoomiyaha Salaam Bank, Maxamed Cabdi Colow, iyo masuuliyiin kale.

    Maxamed Cabdi Colow, Gudoomiyaha Salaam Bank oo la hadlay Saxaafadda ayaa yiri “Hawshaan maanta la rabo in la daahfuro oo ah Hormuud Salaam Bank Foundation waa hawl loo madlanaa, oo mudadaanba la qaban-qaabinaayay, Ilaahay mahadiis maanta ayay noo suurtagashay inaan daahfurno. Salaam Somali Bank sidaad ogtihiin waa bankigii ugu horeeyay oo burburka ka dib laga furay Somaliya, waxaa la furay 2009-kii, bishii October. Ujeedada loo furayna waxay ahayd oo la isugu hawlay in ay bulshada Soomaaliyeed hawlo waaweyn u qabato, baahidoodana ay daboosho. Saddex shay oo muhiim ah ayay umadda u qabataa, waxayna kala yihiin maalgelin, adeeg iyo taakuleynta bulshada Soomaaliyeed.”

    Colow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Taakuleynta bulshada Soomaaliyeed intooda baahan waxaan bilownay, isla-markii la furay 2009-kii, waxaa ka faa’iideystay dad badan oo rag iyo dumarba isugu jira, oo qiyaastii gaaraya saddex kun oo qof oo danley ahaa. Dadka ugu hooseeya ee bulshada ah aad iyo aad ayay uga faa’iideysteen, lacago waxaan siineynay ay wax ku qabsadaan/maagelin, oo macnaheedu yahay inaanan wax faa’iido ah laga rabin, oo ay tahay keliya lacagta inay sideeda u soo celiyaan, habka diiwaangelinta marka ay maraana la siiyo.”

    Waxaa uu intaa ku daray “Iyadoo taas laga duulaayo ayaa waxaa la isla gartay, maadaama Hormuud-na dhankeeday ay ka waday taakuleynta bulshada Soomaaliyeed, sidaad ogtihiin abaaraha, daadadka, cudurada iyo wixii lamid ah, baahida loo qabo ayaga ayaa dabooli jiray intooda waaweyn Somaliya. Ka dib markii la arkay in Salaam Bank Somalia goonideeda ay wax u waddo, Hormuud-na sidoo kale waxaa la isla gartay xoogaas, maskaxdaas iyo maalkaas in la wada mideeyo, si umadda Soomaaliyeed ay si dhaba uga faa’iideysto. Waxaan rajeyneynaa arrinkan inuu horseedi doono in shaqadii, taakuleyntii iyo daryeelkii umadda Soomaaliyeed uu laba jibaarmi doono, oo aad arki doontiin Insha’Allahu Tacaalaa mar dhow, guulo iyo horumaro waaweyn in laga gaari doono.”

    Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka barbar hadlayay Mr. Colow ayaa sheegay in ballaarinta lagu sameeyay Hormuud Foundation uu ka dhigan yahay dardargelinta daryeelkii loo fidinayay bulshada Soomaaliyeed.

    “Hormuud Telecom iyo Salaam Bank waxay madaxdoodu go’aansadeen in shaqada ay qabanayaan, oo ah gargaarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, oo gooni gooni ay u hayeen in la mideeyo, isla-markaana ay ku midoobaan Hormuud Salaam Bank Foundation, taasoo ka dhigan in shaqada ama barnaamijyada ay qabaneysay Hormuud Foundation ay noqon doonaan barnaamijyo ka ballaaran, kana baaxad weyn barnaamijyadii ay horey Hormuud Foundation ay u qaban jirtay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation.

    Gudoomiyaha ayaa xusay in mataanaynta lagu sameeyay Hormuud Foundation iyo Salaam Bank uu yimid, xilli xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, uu dalka ku yeeshay saamayn muuqato.

    Si kastaba ha-ahaatee Salaam Bank ayaa noqonaya baankii ugu horeeyay oo gaar loo leeyahay ee dalka ka shaqo bilaabo xilli adag, waxaana maanta lagu tilmaamaa bankiga ugu weyn ee dalkeena uu leeyahay.

    Hormuud Hormuud Foundation Hormuud Salaam Bank Foundation Salaam Bank
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka Cabsi qaba in ciidamada Itoobiya saameyn ku yeeshaan Doorashada
    Next Article FAAHFAAHIN: Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda madaxa ka toogtay Oday Ganacsade Danyar ahaa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo