Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka socda magaalada Muqdisho.
Kumanaan qof oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la isugu geeyay Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo bannaanbaxa oo lagu maamuusayo maalmo guuradii 100aad ee kaa soo wareegtay doorashadii Farmaajo.
DAAWO SAWIRRADA