Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen ururka Alshabaab iyo warbaahinta taageerta oo ku saabsan in askar ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo ay u goosteen isuna dhiibeen Alshabaab.
Alshabaab ayaa Gedo ku soo bandhigtay askartaasi, waxayna sheegeen in Maxamed Cismaan Cali iyo Yuusuf Maxamed ay ka soo goosteen ciidamada ku sugan Baardheere iyo Cabdi Maxamed Cali oo sina kasoo goostay Ciidamada Doolow.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa dhinacooda waxba kama jiraan ku tilmaamay. Taliye Kuxigeenka Dhanka Amniga Degmada Baardheere Guhaad Maxamuud Macalin ayaa sheegay in aysan jirin wax Ciidan ah oo dhanka Al-shabaab ku biiray.
Kooxda Alshabaab ayaa marar badan soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay inay kasoo goosteeen kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo muuqaal ahaan iyo cod ahaan la baahiyo, waana markii ugu horeysay ee dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ay beeniyaan.
Wadani.com