Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad saameyn badan leh ka jeediyay xaflad ka dhacay magaalada Nairobi, isagoo sheegay inuu isagu ugu horeeyo inuusan qabiil ahayn, aysanna jiri doonin cid uu qabiil ku soo dhoweynayo iyo qof uu qabiil ku fogeynayo.
“Anigu Farmaajo ahaan qabiil ma lihi waxaan ahay Soomaali, umada Soomaaliyeed oo dhan ayaan u dhexeeyaa. Sidaas oo kale ra’iisal wasaaruhu malaha qabiil waa Soomaali.. sidaas ayaana ku heshiinay inaan dalka uyo dadka ugu shaqayno.”
Wadani.com