Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»DAAWO: Askari fashiliyay Qorshe Qarax Alshabaab ku khaarijin rabeen Taliyeyaal sare

    DAAWO: Askari fashiliyay Qorshe Qarax Alshabaab ku khaarijin rabeen Taliyeyaal sare

    May 20, 20173 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

    Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed oo warbaahinta faah faahin ka siiyay sheekada ku saabsan xiriirka dhaxmaray isaga iyo saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay kula ballaameen in walxaha qarxa u geeyo xerada Lama-galaay oo saldhiga u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21aad oo ah xero siweyn amnigeeda loo ilaaliyo.

    ‘’Wax yaabaha ay i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan u baahannahay ayaa tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahantahayna waan ku sameyneynaa’’ ayuu sheegay askariga

    Waxaa uu intaa ku daray‘’Markii arintan ay soo shaacbaxday waxaan la socodsiiyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM, talleefoon ayaan kula hadalnay sarkaalkii ka tirsanaa Al-shabaab ee arintan xiriirka igala soo sameeyay, waxaa uu igu yiri in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan‘’ ayuu yiri askarigan.

    Waxaa uu intaa ku darray in ay ku ballameen deegaanka Gabarlaawe oo 3km dulleedka Koonfureed ka xiga magaalada Beledweyne, kaddib markii ay ka biyo diideen sida uu hadalka u dhigay in ay gudaha u soo gallaan magaalada.
    ‘’Markii ay diideen in ay gudaha u soo gallaan magaalada waxaan diyaarsaday ciidamo qarsoodi ah oo gacanta ku dhiga ragga qaraxa waday, hasse ahaatee markii aan ku dhawaaday oo ay ka war helleen in ciidamo ila socdaan walxaha qaraxa ayeey goobta dhigeen waana ay baxsadeen is rasaaseyn ayaana dhaxmartay iyaga iyo ciidamada’’ ayuu yiri askarigan.

    Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jen. Towane Axmed Gurey oo ka mid ahaa saraakiishii loogu talagalay in qaraxan lagu dilo ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askarigan fashiliyay qorshaha Al-shabaab waxaana uu intaa ku darray in la dalacsiin doono.

    Waa markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan uu la wadaago saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM qorshe ay damacsanaayeen Al-shabaab oo isaga loo sii mari lahaa.

    AMISON Askari Fashiliyay qarax SNA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda cusub ee Gargaarka oo laga Waaxood kala wareegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha
    Next Article Dil naxdin leh oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo