Qoriga Turkigu farsameeyo ee loo yaqaan MPT-76 waa Qori heer sare ah oo mar dhow lagu hubeeyay ciidamada ilaalada Jamhuuriga Turkiga, isla markaana ay dalal badan doonayaan inay ka iibsadaan Turkiga.
Qorigan oo ah kii ugu heer sareeyay ee Turkigu sameystay ayaa ciidamada Soomaaliya lagu tababarrayaa, iyadoo la siinayo 450 qori oo ah nooca MPT-76, waxaana adeegsada ciidamada argagixiso la-dirirka ee gaarka ah.
Qoriga MPT-76 ayaa culeyskiisu yahay 4.1 kg. wuxuuna wax ka dili karaa masaafo dhan 500 mitir si toos ah, waxaana daqiiqadii uu awood u leeyahay inuu seyro rasaas dhan 650, waxaana dalal badan ay doonayaan inay ka iibsadaan Turkiga.