Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn u difaacayd dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mudane Geedi ayaa sheegay in dowladda Farmaajo markii dhalatay kadib lagu tilmaamay in loo dhigo caqabado iyo taraanturo, wuxuuna ka digay in dalka dib loogu celiyo xaaladii burburka.
Wuxuu sheegay in mucaaradku uu dowladu saxo, balse aanu ahayn mid wax burburiya, wuxuuna intaas ku daray inay ka waantoobaan dadka dowladda jilaafeynaya ee doonaya inuu burburiyo oo qalalaase ku abuuro dowladda.
Cali Maxamed Geedi ayaa soo hadal qaaday horumarka ay gaartayd dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay hadal la sheegay inuu kasoo yeeray C/raxmaan C/Shakuur oo ahaa inuu marti ku tilmaamay hoggaanka dowladda, wuxuuna u jawaabay isagoo yiri: ‘Muqdisho cid marti ku ah ma jirto iyo cid marti loogu yahay, waa nasiib darro in siyaasi doonaya dalkan inuu hoggaamiyo uu kala saaro umadda..”
HOOS KA DAAWO