Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn u difaacay dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo farriin kulul u diray kooxaha ku kacsan.
Cali Geedi oo ka mida saaxiibada ku dhow Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa oo ka hadlayey shir ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday Mooshinka Xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay xisbi mucaarad ah oo hubeysan, wuxuuna ku hanjabay kuwa ku hadladaya hadallada kicinta ah in gurigooda loogu tegayo.
“Dowladnimo xoog ayey ku timaadaa.. shacabna la xaajoon meyso dowladda, xoog ayey ku timid,… xoog ayaana lagu ilaalinaya marka dulqaadku bato waxaa loo maleeyaa inay doqon yihiin madaxda, inay muujiyaan awood ayaa la rabaa.. yaan lagu sirmin..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo si aan hore loo arag u taageeray dowladda Federaalka.
HOOS KA DAAWO