Ciidamadii Nabadsugidda ee ka mid ka ahaa ciidamadii xasilinta ee dhowaan lagu daray Booliska ayaa si rasmi loogu wareejiyey ciidamada Booliska Muqdisho.
Munaasabad loo qabtay ciidamadii NISA ee afka u duubnaan jiray oo ka mid noqday Booliska ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u sheegay inay kala duwam yihiin ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Booliska, oo halkii ay iska qarin jireen ciidamadii NISA ay hadda tahay in caadi loo arko, ayna arrimo badan farqi ahaan u dhaxeeyaan.
Ciidamada Booliska ayuu sheegay Jen. Bashiir Goobe inay gaareen heer la xoojiyo amniga Muqdisho lagu wareejiyo iyadoo dhammaan ciidamada kale aanay wax howl ah ka sameyn karin magaalada Muqdisho, iyadoo aan loo baahan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA DALSAN TV