Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga ayaa xalay ka qeyb galay ciyaarta hidaha iyo dhaqanka Sacuudiga.
Waxaa ciyaarta ku wehliyay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, waxaana la arkayay iyadoo Trump uu safka la galay barbaarta Sacuudiga, balse ay ku adkaatay inuu la qabsado ciyaarta oo aan u baahneyn farsamo badan.
Muuqalka Trump ee ciyaartaasi ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada iyadoo lagu sheegay inuu ku fashilmay la qabsiga ciyaartaasi.