Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid hadalkii kasoo yeeray Muuse Biixi ee ahaa in la joojiyay wadahdalladii Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu caddeeyay in Muuse Biixi aanu joojin karin wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeya, isagoo ku adkeystay inay wadahadalladu socon doonaan tan iyo inta labadda dal ay kala baxayaan.
“Wadanka laguma maamulayo caadifad, haddii aad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wadahadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye ma ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.