Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shalay xilka la wareegay ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Muqdisho 1-dii bishan Novembar, iyadoo intooda badan la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Sheekh Yuusuf ayaa ayaa mid mid ugu tegay bukaada dhaawaca ah qolalkooda, isagoo xaaladooda ka wareystay, wuxuuna u rajeeyay caafimaad. Dhaawacyada ayuu u rajeeyay inuu Allah Caafiyo isla markaana uu Xanuunka uu la qeybsanayo.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadrir ayaa Dhaawacyada uu ku booqday Isbitaalka u qeybiyay Lacag Shilin Soomaali ah oo maamulkiisu ugu deeqay dadkaasi, isagoo ku baaqay in cidii wax heysata ay caawiso dadkaasi.
DAAWO SAWIRRO