Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»DAAWO: Gurigii C/llaahi Yuusuf ee Muqdisho oo Mar kale Dacwad laga furay & Qorshe lagu doonayo in lagula wareego oo socda

    DAAWO: Gurigii C/llaahi Yuusuf ee Muqdisho oo Mar kale Dacwad laga furay & Qorshe lagu doonayo in lagula wareego oo socda

    March 8, 2018Updated:March 8, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ilmaha Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya  Cabdullaahi Yuusuf guri uu lahaa aabahood oo ku yaalo Magaalada Muqdisho kaasoo xoog looga heystay ayaa waxaa haddana soo baxayo inay socdaan qorshooyin lagu doonayo in mar kale gacantooda looga bixiyo.

    Waxaa lasoo sheegayaa in dacwad been abuur ah laga furayo Maxkamadda Gobolka Banaadir isla markaasna lagu doonayo in lagu xalaaleysto guriga uu lahaa Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Nabadoon Xaad oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in xog fara badan oo ay soo aruuriyeen kadib ay ogaadeen inuu gurigaas lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna ku baaqay in hantidaas ay leeyihiin agoonta loo dhaafo oo aan si xoog ah looga qaadan.

    ” Dad xog ogaal ah oo aan wareysanay ayaa noo xaqiijiyey inuu dhulkaan lahaa  Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo saxaafadda kula hadlay gudaha booska ay leeyihiin ilmaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Xildhibaan Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay inay tahay arrintaas mid laga xumaado  madaxweyne xilli uu dalka xaalad xun ku jiray soo hoggaamiyey in lagu qabsaday halkii boos oo uu dalka ku lahaa.

    ” Adduunka qofka haddii uu xil kasoo qabto waxaa loo baahan yahay in la karaameeyo, dadka dariska iyo kuwa deegaanka ayaa caddeeyey inuu dhulkaan lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna dalka ka dagi la’yahay waa hantida ma guurtada ah ee la kala heysto

    Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay xaqiijinayaan inuu dhulkaan leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulalahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay inuusan sheegan karin qof kale.

    “Cabdullaahi Yuusuf Axmed 10 guri xamar kuma laheyn, gurigaan kaliya ayuu Xamar ku lahaa, haddii isaga lagu qabsado waa doqonimo waa garaad yari, waana wax laga xishoodo, qoyska iyo ehelada dhaxalka u leh gurigaan waxaan cod dheer ku dhahayaa gurigaan adinkaa iska leh” ayuu yiri Xalane.

    HOOS KA DAAWO VIDEO SIDII LOO WAREEJIYAY

    Dhul C/llaahi Yuusuf Guri C/llaahi Yuusuf Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMas’uuliyiintii K/Galbeed & Hirshabelle ee ku dhintay Qarixii Alshabaab oo maanta lagu aasay Muqdisho [Sawirro]
    Next Article Madaxweynaha Somaliland oo Jawaab Culus u diray Xukuumadda Soomaaliya [Dagaal ayay ku iclaamisay Somaliland..]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo