Saameynta uu yeeshay weerarkii cuslaa ee kooxda Alshabaab ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ka mida hoteelada ugu caansan caasimadda ayaa weli waxaa ka muuqda burbur iyo xaalad muujineysa heerkii uu gaarsiisnaa qaraxaasi oo dad caana lagu laayay.I
Sawirro maanta laga soo qaaday waxay muujinayaan in qasaaraha gaaray dadka uu ka darran yahay mid hotelka ka soo gaaray qaraxa iyo dagaalka lagu qaaday, iyadoo halkaasina lagu dilay milkiilaha iyo shaqaale sare oo hotelka gacanta ku hayay.
Waxaa muuqata inay muddo qaadan doonto dib u howl gelinta hotelka marka la eego qasaaraha naf iyo maalka leh ee gaaray.
Hoos ka daawo sawirrada








