Shirkadda Daallo Airlines ayaa dib uga howl bilowday garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo ay maanta kasoo degtay diyaarad ka timid dalka Jabuuti kadib saddex toddobaad oo hakad ay galeen duulimaadyadii diyaaradaasi oo qarax lala beegsaday mid ka mida diyaaradaheeda.
Taliyaha Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay inay awood saareen dadkii faraha badnaa ee garoonka soo geli jiray, wixii hore u dhacayna wuxuu ku sheegay inay ahaayeen TUUG KULA JIRA TAB KAAMA WAAYO.
Madaxda Shirkadda Daallo ayaa iyaguna sheegay in garoonka wax badan laga bedelay garoonka ayna rajeynayaan in dhammaan diyaaradaha ka howlgeli jiray garoonka ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadoodii.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Wadani.com