Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Daawo: Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Golaha Guud ee Q/Midoobay

    Daawo: Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Golaha Guud ee Q/Midoobay

    September 22, 2022Updated:September 22, 20224 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay fadhigiisa 77-aad ee ka socda magaalada New York.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa Kalfadhiga 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga hadlay xaaladda Soomaaliya, heerka abaaraha, dagaalka dowladiisa kula jirto Alshabaab iyo taageero uu ka dalbaday beesha caalamka.

    Waxa uu sheegay madaxeynaha in fursadda la haystaa ay kooban tahay, waxaana uu sheegi in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo. Waxa uu sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida uu beddelay sida ay dunidu u nooshahay weligeed, waxaana uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu ugu diyaarsanayn qalalaase baaxaddaas leh. Waxaa kale oo qalalaasaha Covid-19 uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu u sinnayn marka ay noqoto ka jawaabista Covid-19.

    Waxa uu sheegay in halka dunida horey u martay ay tallaalkii nafta badbaadinayey ay dadkooda horey ka siiyeen si aan sinnayna loo qaybiyey in waddamada Soomaaliya ka mid tahay ay sugeen hadba ciddii wax siisa.
    Waxa uu sheegay inay Soomaaliya mahad uga hayso beesha caalamka iyo isbahaysiga caalamiga ah tallaalkii ay heshay. Waxaase uu sheegay inu rajaynayo inaysan sidaasi oo kale dhici doonin marka ay timaado wax ka qabashada qalalaasaha cuntada dunida.

    Waxa uu sheegay in dunidu u baahantahay inay si wadajir ah u shaqayso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahana waddamada ka hooseeya saxaaraha.

    Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay waajahayso abaar iyo macluul. Waxa uu sheegay in dawladdiisu ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dawladda si looga hortago macluuul laga yaabo inay dhacdo. Waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo dawladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dawladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.

    Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda degaanka ee sii adkaanaysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaaha.

    Waxa uu shegay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato, waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu yahay wax jira, waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo waddan gaar ah uusan horumaraynin haddii aan si wadajir ah loo wajahin caqabadaha.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.

    Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago.

    Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.

    Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan. Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto.

    Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.

    Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) waa hay’adda ugu weyn ee dejisa siyaasadda Ururka. Iyadoo ka kooban dhammaan Dawladaha xubnaha ka ah, waxay bixisaa gole gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan noocyada kala duwan ee arrimaha caalamiga ah ee uu daboolayo Axdiga Qaramada Midoobay.

    Dal kasta oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay hal cod oo isku mid an ama siman.

    Hassan Sheikh Khubdadii Xasan Sheekh ee Q/Midoobay Mungaab Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGeerida Saraakiil lagu dilay Gobolka Hiiraan oo qabsatay Baraha Bulshada, iyadoo…
    Next Article Siciid Deni oo xilkii ka qaaday mas’uulkii ugu cuslaa iyo Wasiirada cusub ee la magacaabay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo