Diyaaradda gaarka ah ee loo sameeyay Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Butin waa diyaarad si gaar ah loo naqshadeeyay oo si weyn u soo jiidatay caalamka, marka laga eego waxyaabaha gudaheeda lagu diyaariyay iyo quruxdeeda.
Waxaa loogu magac daray Kremelin-ka duula oo lambarka ay sidataa uu yahay R96016, diyaaradda qaarka ah ee madaxweyne Putin waxay ka mid tahay in ka badan 50 diyaaradood oo Aqalka Kremelinku leeyahay si gaar ahna loogu sameeyay madaxtooyada dalkaasi.
Diyaaradda ugu muhiimsan waa tan aanu maanta ka hadleyno, waxayna leedahay: Xafiiska Madaxweynaha, Qolka martida lala yaabo, Qolka shirarka, Xarun isboorti iyo Gym, Baar iyo goob lagu qaxweeyo, Musqul, iyo qol caafimaad oo isbitaal oo kale ah.
Qolka laga dhigay xafiiska madaxweynaha ee diyaaradda waxaa laga helayaa wax waliba oo looga baahnaa xafiis madaxweyne, sida isgaarsiin meel waliba oo caalamka ah lagula xiriiri karo. Dhererka diyaaradda wuxuu gaarayaa 55.35 Mitir, joogeeda wuxuu gaarayaa 17.57 Mitir.
Diyaaradda gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka ama Kremelin-ka duula, waa hote hawad maraya, waana diyaarad madaxweyna, waxayna ka mid tahay farsamada ay ku faanaan Ruushka.
DAAWO SAWIRRO







DAAWO DIYAARADDA MADAXWEYNE PUTIN OO DEGEYSA
XULSHADA GOOBJOOGE