Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska 40-guuradii aasaaskii Jabhadda talada Itoobiya heysa ee Tigreega (TPLF) ee xukunka ka tuurtay Mingistu Haile- Mariam 1991.
Dabaaldegga “Tigray People’s Revolutionary Front” ayaa ka dhacay magaalada caasimadda u ah ismaamulka qawmiyadda Tigreega ee Mekelle. Waxaaana sidoo kale xuska ka qeyb galay madaxweynayaal ay ka mid yihiin Cumar Xasab Al-Bashiir-ka Suudaan, Ismaaciil Cumar Geele-ha Jabuuti iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kgame.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galka munaasabada TPLF u maray howl adag isagoo saacado kooban ku sugnaa xaruntiisa Muqdisho markii uu safarka deg-dega ah ugu duuley Itoobiya, wuxuuna markaas uun ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu ku joogay Jarmalka.
[ad name=”HTML-2″]
Waxaa la arkayay madaxweynaha Soomaaliya oo calanka TPLF walfinaya, khudbad uu ka jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh xafladaasi ayuu ka sheegay in geesinimo naf-hurimo ay TPLF/EPRDF u soo mareen sidii ay u dhisi lahaayeen Itoobiyada maanta. “Afrika oo dhan ayaa ku faaneysa taariikhda ifeysa ee Itoobiya” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas raaciyay in dadka Itoobiya ay wadajir uga shaqeeyeen nabadda dalkooda.
“Waxaan amaan u jeedinayaa doorka ay Itoobiya ka qaadaneyso xasilinta Soomaaliya, Inkastoo Itoobiya iyo Soomaaliya ay waqti adag soo mareen, waxay hadda leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo dhow” ayay madaxweynaha Soomaaliya ka soo xigatay Wakaalada wararka Itoobiya inuu ka yiri xafladii dabaaldegga aasaaskii TPLF.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML-4″]
[ad name=”HTML”]