Marwada madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay warbaahinta iyadoo is bartay dadka kadib muddo bil ah oo Madaxweyne Farmaajo xilkan loo doortay.
Marwada Madaxweynaha ayaa lagu magacaabaa Seynab Cabdi Macallin, waxayna farriinteedii ugu horeysay u diray haweenka Soomaaliyeed Munaasabadda 8-da Maarso awgeed.
Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa laga soo xigtay inay tiri “Xuska 8-da Maarso waa maalin loo dabaaldego horumarka ay ku tallaabsadeen Haweenweynaha adduunka, waana inaan is xusuusinaa caqabadaha ku horgudban haweenka Soomaaliyeed, ahna kuwa ugu nugul bulshada uguna waxtarka badan”.
Wadani.com