Howlgal ay sameeyeen ciidamada NISA ayaa shalay lagu soo qabtay gaari la sheegay inuu ka dambeeyay weerarro shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Weerarkii koowaad ayaa barqanimo ka dhacay Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjabjab kadib markii rasaas lagu furay Gaari uu la socday taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Gen. Xasan Dheere Halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray, laguna dilay askari ilaalo u ahaa, mid kalena lagu dhaawacay.
Weerarkii labaad ayaa isla saacad gudageed ka dhacay agagaarka isbitaalka Digfeer, degmada Hodon iyadoo dilay Afhayeenkii Hore ee Maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey.
Ciidamado ka tirsan NISA oo la sheegay inay gaariga weerarka geystay raadinayeen ayaa raasaas is weydaarsadeen labada dhinac. Gaariga oo noociisu ahaa NOAH ayaa ug danbeyn looga daba tegay degaanka xaafadda Siisii ee Degmada Yaaqshiid, waxaana dhacday darawalkii gaarigaasi ka boodo.
Darawalka ayaa markaas kadib galay Guri ku yaala xaafadda Tookiyada, isagoo isu mary shan guri oo uu isaga dhex baxay waxaana u suuragashay inuu baxsado, waxaase la qabtay nin kale oo la socday darawlka baxsaday.
Baaritaano dheeraad ah ayaa lagu soo qabtay milkiilaha gaariga iyo qof dumar, kuwaasoo lala xiriirinayo gaariga falka lagu geystay. Xaafadda howlgalka laga sameeyay ayaa lagu arkay Godad iyo guryo isku furan oo loogu talagalay in kooxahaasi adeegsadaan.
Waxaa cad in dadka la qabtay ay yihiin qaar lagu tuhunsan yahay lahaanshaha Gaariga iyo nin la socday darawalka, waxaana gacan lagu heynin maleeshiyadii dilka geysatay iyo darawalkii oo baxsaday.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com