Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed, isagoo ku eedeeyay inuu faraha kula jiro arrimo uusan shaqo ku lahayn oo ay ka mid tahay, wuxuuna baaqaasi u diray Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo guddiga arrimaha gudaha:
- Inuu Guryo dumiyo
- Inuu Guryo dad ka saaro
- Jid laga burburiyo
Wuxuu si cad u sheegay Muungaab in wasiirka arrimaha dibadda wax laga qabto howlaha uu ku dhex jiro oo uu ku tilaamay mooryaanimo iyo sharci darro.
HOOS KA DAAWO
Wadani.com