Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Muuqaalka qabsday Baraha Bulshada ee Madaxweynaha Faransiiska iyo Xaaskiisa (Daawo)

    Muuqaalka qabsday Baraha Bulshada ee Madaxweynaha Faransiiska iyo Xaaskiisa (Daawo)

    May 26, 2025Updated:May 26, 20252 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa beeniyay inuu muran kala dhaxeeyo xaaskiisa Brigitte, kadib muuqaal laga duubay garoonka diyaaradaha ee Hanoi oo baraha bulshada ku faafay. Muuqaalkaasi ayaa muujiyay xaaskiisa oo si lama filaan au dharbaaxeysa xilli ay ka soo degayeen diyaaradda madaxtooyada.

    Emmanuel Macron ayaa sheegay in muuqaalkaasi si khaldan loo fasiray, isagoo eedda dusha uga tuuray olol marin habaabin ah oo lagu doonayo in si qaldan loo micneeyo dhacdada.

    Madaxtooyada Faransiiska ayaa rajeyneysay in booqashada Vietnam ay iftiimin doonto doorka Paris ee gobolka Indo-Pacific. Hase yeeshee, safarkii lagu doodayay inuu fursad u yahay xoojinta saameynta Faransiiska, waxaa hareeyay hadal-heyn ka dhalatay muuqaalka dhacdadan, oo dhacay markii diyaaraddii madaxweynaha ay Axaddii ka degtay magaalada Hanoi.

    Waa markii saddexaad oo bishan gudaheeda Macron uu bartilmaameed u noqdo muuqaal si xawli leh ugu faafay baraha bulshada, xilli Faransiisku sheegayo in uu wajahayo weerarro marin habaabin ah oo joogto ah, iyadoo Ruushka lagu eedeeyay inuu kordhiyay weerarrada warbaahinta ee uu la beegsanayo taageerayaasha Ukraine.

    Mid ka mid ah sheegashooyinka been abuurka ah ee la faafiyay ayaa ahayd in Macron uu cocaine isticmaalo xilli uu booqasho ku marayay magaalada Kyiv, isagoo la socday Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Kanzalarka Jarmalka Friedrich Merz. Sawirro kale ayaa muujiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo lagu eedeeyay inuu si muujin ah u gacan sarreeyay marka uu gacan qaadayay Macron.

    Muuqaal ay duubtay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya Brigitte Macron oo labada gacmood ku taagaysa kuna riixaysa wejiga saygeeda xilli ay ka soo degayeen diyaaradda.

    Macron ayaa muuqaalkaas ka muuqda isagoo si yar ula yaaban falka, balse si degdeg ah ayuu uga bogsaday, kadibna wuxuu u jeestay dadkii sugayay soo dhoweynta isaga oo gacan u haadinaya.  “Aniga iyo xaaskeyga waan kaftamaynay, wax muran ah nagama dhexeyn. Si lama filaan ah ayaan uga yaabay,” ayuu yiri Macron. “Hadda arrintii waxay isu beddeshay masiibo caalami ah, qaarna waxay bilaabeen inay abuuraan mala-awaal iyo falanqeyn aan sal lahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

    Macron ayaa si caro leh uga falceliyay muuqaallo kale oo faafay maalmahan, kuwaas oo uu ku jiro mid laga duubay xilli uu saarnaa tareen kusii jeeday Kyiv. Qaar ka mid ah dadkii faafiyay muuqaalkaasi waxay si been abuur ah u sheegeen in uu cocaine watay.

    Emmanuel Macron France
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenya blocks opening of Somaliland liaison office in Nairobi
    Next Article Kenya oo ogolaanshihii u diiday xafiiska Diblomaasi ee Somaliland ka furanayso Nairobi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo