Waxaa maanta magaalada Kismaayo gaaray qeybtii labaad ee ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah ciidamada dhowaan la geynayo magaalada Kismaayo ee ka mid noqonaya qeybta AMISOM Jubbooyinka.
Diyaarad yar ayaa siday ciidamadan oo tiradooda gaareysay 40 askari, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweweeyay saraakiil ka tirsan AMISOM, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Cabdullahi Ismaaciil Fartaag, sii-hayaha Wasiirka arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo odayaal.
Xaflad soo dhoweyn ah ayaa magaalada Kismaayo loogu sameeyay ciidamada Itoobiyaanka, waxaana C/llaahi Fartaag uu sheegay inay ku yimaadeen Kismaayo rabitaanka shacabka sida uu hadalka u dhigay.
DAAWO SAWIRRADA
Wadani.com