Qiso la yaab iyo xanuun leh ayaa ka dhacday degaanada Somaliland, kadib markii gabar kasoo jeeda beesha Isaaq ay guursatay nin Gabooye ah.
Gabadhan oo lagu magacaabo Hoodo Mukhtaar Yuusuf Faarax ayaa muddo saddex beri jirdileen qoyskooda oo u diidanaa inay guursatay wiil kasoo jeeda Beesha Gabooye, waxaa kaloo la jir dilay wiilka aabihiis oo isku dayay inuu reerka gabadha la xididdo.
