Qoys ay dhul isku heystaan caruurta madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhulka ku yaalla degmada Wadajir la siyaasadeeyay.
Odayaal iyo waxgarad ku hadlay magaca Qoyska leh dhulkan ayaa soo bandhigay lahaanshaha dhulkaasi oo ah 4 boos oo ah Damanyaale, lana bixiyay sanadkii 1963, isla markaana ay leedahay Allaha u naxariistee Faadumo Nuur Duqow, isagoo soo maray 4 gacmood.
Waxay caddeeyeen in Gurigaas aan la iibin karin, isla markaana reer C/llaahi Yuusuf haddii sheegteen laga doonayo caddeyn iyo inay sharciga hortagaan ee aan la siyaasadeyn.