Salaad Cali Jeelle oo ka mida siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in kooxda Damjadiid ay qorsheynayaan wax ka bedel ay ku sameeyaan qaabka doorashada 2016.
Isagoo ka hadlayay kulan ay yeesheen Odayaasha Beelaha Muqdisho ayuu sheegay in Damjadiid ay dooneyso in wax laga bedelo ergada soo xuleysa xildhibaanada Baarlamaanka ee hore loo go’aamiyay inay noqdaan 51, ayna arrintaas ka dhaadhiciyeen guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Wuxuu intaas ku daray in Damjadiid ay lacag u weysay 51 ergo ayna rabaan inay dib loogu noqdo Odayaashii 135-ta ahaa, taasoo ayd oonayaan inay ka ansixiyaan shirka Madasha ee 7-da September.
Wadani.com