Buugga lagu diiwaan geliyo la-yaabka dunida (Guinness World Records) waxaa la sameeyay August 1955 oo dalka Ingiriiska lagu shaaciyay, markaasoo uu noqday buugga loogu iibsiga badan yahay sanadkaasi. Wuxuu bishan u dabaal degayaa Buugani sanadguuradiisii 60-aad ee markii la sameeyay iyadoo halkan aan idinku soo bandhigeyno qaar ka mida cajaa’ibta buugaasi ku xardhan:
[row][double_paragraph]
[/double_paragraph][double_paragraph]
[/double_paragraph] [/row]
Diiwaanka Buugag la-yaabka waxaa ka mida sawirka sare oo ah Bidix ninka ugu dheer dunida oo hadda uu heysto Sultan Kösen oo u dhashay Turkiga, wuxuuna dhererkiisu gaarayaa 8ft 3 inches February 2011. Waxaa dhinaca kale ninka ugu gaaban dunida isna heysta He Pingping, oo Shiinees ah, wuxuuna ahaa ninka ugu gaaban ee ku nool dunida 2008 2ft 5.3 inches, haweeneyda ugu dheer dunida ayaa iyana waxaa heysta Svetlana Pankratova oo Ruushka u dhalatay oo leh lugaha ugu dhaadheer dunida, cabirkeeduna 132cm (51.9inches).

Buugga cajaa’ibta adduunka waxaa la iibsaday in ka badan 134 million oo nuqul, isagoo gaaray boqol dal oo dunida ah. Sanadkii 2012 Eyga lagu magacaabo Zeus ayaa loo aqoonsaday Eyga ugu dheer dunida oo dhererkiisu yahay 112 cm.
[ad name=”HTML”]

Mattaanaha ugu miisaan culus dunida waxaa buugani ku diiwaan gashan inay yihiin Billy Leon iyo Benny Loyd McCrary oo Mareykan ah, waxaana loo yaqaan mattaanaha McGuire twins waxayna noqdeen kuwa ugu buuran dunida oo dhan waxay kala geeriyoodeen 1979 iyo 2001.

Islaanta ugu ciddiyaha dheer ee buugaasi ku qoran waa Lee Redmond oo Mareykan ah waxayn ciddi kasta dhererkeedu gaaray hal mitir, laakiin waxay uga burbureen shil baabuur oo ay gashay 2009.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]