Muuqaalladii ugu horeeyay ayaa laga helay qaraxyo goor dhoweyd ka dhacay magaalada Niarobi ee dalka Kenya, iyadoo rasaas laga maqlay qaraxyada kadib.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxyada Nairobi ayaa sheegay inay ka dhaceen agagaarka Hotelka Dusit oo ah dhisme weyn oo isku xiran bannaankiisa, kaasoo degmada ku yaalla degmada Westland ee magaalada Nairobi, waxaana kadib la maqlay rasaas ka dhaceysa goobtaasi.
Ciidamada amniga ayaa degdeg loo geeyay goobta, waxayna rasaas ka jawaabeen rasaasta sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya, waxaana muuqaallada ay muujinayaan gawaari badan oo gubaneysa.
Qof gudaha dhismaha ku jira ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay inuu dagaal ku socdo, waxaana halkaasi lagu arkay ciidamada gaarka ah ee Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in dabley hubeysan ay qeyb ka tahay weerarka qaraxa ku bilowday.
Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegay in ay xireen dhammaan jidadka laga soo galo horelka Dusit, iyadoo laga digtoon yahay in boob ka dhaco.