Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta oo kale boqol maalmood ka hor ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya.
Waxay ku beegneyd 16-kii Febraayo 2017, waxaa xilka wareejiyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Villa Somalia lagu soo dhoweeyay madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xilka uu wareejiyay Xasan Sheekh ka sokow waxa kaloo uu wareejiyay hadiyaddo kala duwan madaxweynaha lagu siiyay madaxtinimada Soomaaliya, waxaana saxaafadda loo soo bandhigay haddiyado ay ka mid ahaayeen agab ka sameysan Dahab iyo Qalin oo ay ku jirto Seef Dahab ah.
Isla maalintaas intii xafladda ay gabagabo ahayd waxaa madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaxeen agagaarka madaxtooyada iyagoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo caruur aku jirto.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com