Kooxda Alshaab ayaa baahisay markii ugu horeysay muuqaalo sawirro ah oo laga soo qaaday weerarkii ay Jimcihii hore ku qaaday Saldhigga Kulbiyow ee ciidamada Kenya.
Sawirrada waxaa ka muuqda in Alshabaab si buuxda gacanta ugu dhigeen saldhiga iyo in lagu laayay askar fara badan oo Kenyaan ah iyadoo la sheegay in lagu dilay xerada 67 askari.
War Saxaafadeed ay soo saartay Alshabaab oo la socday Sawiradan ayaa lagu sheegay in duulaanka Kulbiyow loogu magac daray “Gazwat AShaykh Maxamed Dulyadeen” ayna fuliyeen guutada Saalax Nabhaan, laguna dilay in ka badan 67 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.