Iyadoo dagaal nooc cusub ah oo loogu loolamayo kasbashada dadka ku nool gobolka Gedo uu socdo ayay kooxda Alsabaab shaacisay mucaawino iyo deeq ay gaarsiisay dadka ku dhaqan degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.
Gargaarka Alshabaab oo ku rarnaa baabuur waaweyn ayaa isugu jiray Raashin, Dhar, Maacuun iyo Lacag loo qeybiyay dadka Ceelcade ee ku waxyeelloobay duqeytii ay ciidamada dalka Kenya ka geysteen tuulada Ceel-cadde iyo nawaaxigeeda.
Waaliga Sh/hoose ee Alshabab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha hoose ay ka amba baxeen saddex gaari oo xamuul ah, kuwaa oo sida uu sheegay waday raashiin, maacuun, dhar iyo lacag gaareysa 15 kun oo dollarka Mareykanka ah, oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay duqeymahaasi.
DAAWO SAWIRRO