Banaanbax kii ugu weynaa oo lagu dalbanayo in xuquuqda siyaasadeed ee gobolka Banaadir la siiyo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli Baarlamaanka Soomaaliya ka doodayo heshiiska doorashada isla markaana ay Muqdisho ku sugan yihiim xubnaha Golaha Ammaanka Q/Midoobay.
Dadka ka qeyb galay bannaabaxa ayaa watay halku dhigyo lagu dalbanayay xuquuqda Gobolka Banaadir waxay socod ku mareen Daljirka Dahsoon iyo Xarunta Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay bannaanbaxa ayaa sheegay inay dalbanayaan inay helaan xuquuqdii dadka Gobolka Banaadir, iyadoo saddexda milyan oo gobolka degan ay ka maqan tahay xuquuqdooda.
DAAWO SAWIRRO