Bannaanbax rasmi ah oo maamulka Gobolka Banaadir soo qabanqaabiyay maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyagoo lagu taageerayay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Bannaabaxa waxaa ka qeyb galay boqolaad dadweyne ah oo isaga yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa watay sawirada madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay bannaanbaxa isagoo sheegay inay soo dhoweynayaan doorashada madxweyne Farmaajo isla markaana dadka Muqdisho ka gudbeen qabiilka.
DAAWO SAWIRRADA