Xaflad lagu caleemo saarayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ugaaska 20-aad ee Beesha Xawaadle
ayaa ka socota garoonka kubadda cagta ee Faarax Laqanyo magaalada Beledweyne.
Waxaa xaflada ka qeybgalaya marti sharaf isugu jira, wasiiro uu hogaaminayo Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, xildhibaano uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo marti sharaf uu ka mid yahay wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.
Kadib caano shubkii Ugaaska, waxaa khudbado kala duwan ka jeedinaya Duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com