Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Uganda iyo 10-qof oo Soomaali ah oo iibinayay qalbka Qalabka ay adeegsadaan ciidanka AMISOM suuq ku yaala xaruntii hore ee Wakaaladii Biyaha Magaalada Muqdisho.
Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arrintan ay dhalineyso shaki weyn. “Waxaa suurtagal ah in Amnidarada ka jirta Soomaaliya waxyaabahan ay qeyb ka ahaayeen, baaris ayaa socota, sharciga ayaana la marsiin doonaa”ayuu yiri wasiirka.
DAAWO SAWIRADDA