Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»DAAWO SAWIRRO: Dib u dhis lagu bilaabay Wadadda Isgoyska Mariino ilaa Keydsaney Hospital

    DAAWO SAWIRRO: Dib u dhis lagu bilaabay Wadadda Isgoyska Mariino ilaa Keydsaney Hospital

    March 14, 2017Updated:March 14, 20172 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Laami baaba’ay oo isu badaley godod biyo fariisan ah, baalle jabey iyo mid qaloocan, fiilo go’dey oo dhulka daadsan, geed qalaley, maarshibiyeedi fuq-fuqey, qashin waddada dhexdeeda la soo dhigey iyo fool xumo kale ayaa loogu tagi jirey haddii aad booqato Deegaanka ay ku taalo waddada MARIINADA Ex. Bandar Qaasin balse iminka loogu wanqalay waddada Dr. Kadare ee Magaalada Muqdisho.

    Waddadaasi oo ka mid ah waddooyinka ugu caansan ee G/Banaadir ayaa waxay u dhaxeysaa Degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis, cisbitaalka Keysaney, Kawaan Bari, xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya iyo goobaha laga helo kheyraadka lagu dhisto guryaha Magaalada ayay waddadaasi xiriirisaa, in ka badan rubac Qarni ma aysan helin wax dayactir ah, in la nacey oo la iska illoobay ayay u muuqatey, gaadiid u badan baabuurta raaxada ayaa dhibsadey illaa ay qaarkood ka go’een isticmaalka jidkaasi.

    Jaceyl, xiiso iyo hilow cidna uma aysan qabin inay ku tamashleyso waddadaasi, Ja-jab, jug-jug iyo dhabar xanuun ayaa lagala soo laaban jirey marida dariiqaasi, intaasi oo nasiib daro ah iyo in kale oo ka badan ayaa ku habsatay quruxdii ay beri hore laheyd Marino Road {waddada marinaayo}, sabraa ayaa sedkiisa hela, 27-sanno kadib ayaa dhawr maalmood ka hor waxaa loo qalab qaatey dayactirka, hagaajinta iyo laami saarida waddadaasi, haatan meel fiican oo lagu faani karo ayay hawshaasi maraysaa.

    Horey haddii isticmaalka waddadaasi lagala kulmi jirey daal, dhib iyo rafaad Nabee {Walee} iminka waa lagu raaxeysanayaa ku tamashleynteeda, hambalyo waxaa mudan intii ka shaqeysay hagaajinta wadadaasi, boqolaal qof oo ku faraxsan guusha laga gaarey dayactirka waddadaasi ayaa maanta booqasho ku tagtey jidkaasi, maskax iyo maal ayaa la galiyay balse waxaa loo baahan yahay in lagu fara adeygo illaalinteeda.

    Haddaba haddii lagu najaxey dhismaha waddadii Marinada ee Degmooyinka Kaaraam iyo C/casiis, sidee baa iyana loo dhisi karaa wadooyinka harsan sida Beexaani, Sii-sii, Nasiib buundo, Soddonka, Maanabolyo, Genen Daa’uud iyo kuwa kale ee dhiman? Fadlan nagu biiri waxii tallo ah oo aad hayso…Guuleyso…

    Image may contain: mountain, outdoor and nature

    Image may contain: outdoor

    Image may contain: sky and outdoor

    No automatic alt text available.

    Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

    W/Q: C/llaahi Sheekhaalow

    DAAWO SAWIRRO Isgoyska Mariino Keydsaney Hospital Wadadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax ka dhashay Mobile SAMSUNG ah oo gubay Guri ku yaala Magaalada Boosaaso [Sawirro]
    Next Article Taliyihii hore ee NISA Gen. Tuuryare oo dadka Muqdisho ku eedeeya Amni darrada caasimadda [Akhri]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo