Laba askri oo ka mida ilaaladii Hanti dhowrihii guud ee hore kana mas’uul ahaa dilkii Wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya ayaa maanta maxkamad lagu soo taagay Muqdisho.
Eedeysanayaashan ayaa Maxkamadda la hor keenay, waxaana loo yeeray saraakiil ka tirsan madaxtooyada si su’aallo looga weydiiyo qaabka falka u dhacay, waxaana goobta lagu dhaariyay askar ka tirsan madaxtooyada oo habeenkaasi shaqada ku qornaa.
Sidoo kale, waxaa maxkamadda la keenay qoryihii labada askari ay u adeegsadeen dilka wasiir Cabaas. Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xiran tahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitu keento caddeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha.
DAAWO SAWIRRO