Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xuska 15-ka May awgeed maanta ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.
DAAWO SAWIRRO
.